Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

Belgrade-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute) ee magaalada Belgrade.

Waxaa halkaas ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalka Serbia, kuwaas oo warbixin ka siiyay shaqada machadka ee horumarinta tiknoolajiyadda difaaca, oo ay ku jiraan nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qalabka hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaallada Soomaaliya uga jirto xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sahaminta fursadaha iskaashi ee ay la yeelanayso Saaxiibada caalamka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r