Dalalka Somalia iyo Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding – MoU) oo ku saabsan iskaashiga dhinaca gaashaandhigga iyo milatariga.
Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga amniga, tababarrada ciidanka, iyo wada shaqeynta difaac, si loo taageero xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Federalka ah ee Somalia ayaa lagu sheegay in heshiiskaani uu siweyn u taabanayo arrimaha difaaca iyo milatariga labada dowladood.
“Heshiiskan waxa uu sii xoojinayaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milateriga ee labada dal, isla markaana waxa uu daboolayaa dhinacyo kala duwan oo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan“, Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Xigasho: Horseed Media




Be First to Comment