Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay maalinta la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 5-ta July 2026 la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Xubnaha ururada siyaasadda ee qaybta ka noqday Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wargeliyay in ay u diyaargaroobaan Doorashadaas maadaama lagu mashquulayo Todobaadka Xorriyadda.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r