Press "Enter" to skip to content

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmada Cabdicasiis oo ay ka socota qaadashada kaarka codbixinta

Muqdisho (SONNA): Wasiirada Wasaaradaha arrimaha gudaha xukuumadda FS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Wasiirka hawlaha guud XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Awqaafta mudane Cismaan Macow ayaa kormeeray sida ay qaadashada kaarka codbixinta uga socoto Degmada Cabdicasis ee gobolka Banaadir iyaga oo shacabka degmada kala hadlay ahmiyadda olalaha Wacyigalinta Doorashooyinka iyo qaadashada kaarka.

Wasiiradaan oo la hadlay shacabka deegaanka ayaa xusay in qaadashada kaarka codbixintu ay muhiim u tahay doorashada toos ah oo muwaadiniintu si hufan, oo madaxbannaan ay u dooran doonaan dadkii ku matali lahaa goleyaasha deegaanka iyo goleyaasha sare ee Qaranka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r