Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo

Baydhabo,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cirro iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qaranka ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay Ciidanka Xoogga ee sugan duleedka magaalada Baydhabo.

Wasiirka iyo saraakiisha ayaa geesiyaasha ku amaanay sida Shacabka Soomaaliyeed uga difaacayaan Khawaarijta, waxaana ay farriin u direen maleyshiyaadka duurka ku jira si ay isu soo dhiibaan.

Amniga magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran ayaa ah kuwo hagaagsan, waxaana taas sabab u wadashaqeyn wanaagsan ee ka dhaxeeysa ciidanka iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r