Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka (ILC 2026) oo ka socda magaalada Geneva.
Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta shaqo-abuurka, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, xoojinta wada-hadalka bulshada, iyo kobcinta nidaam shaqo oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso horumarinta fursadaha shaqo, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan si loo xaqiijiyo suuq shaqo oo loo dhan yahay, isla markaana waara. Shirweynaha ayaa diiradda saaraya arrimo la xiriira shaqada, caddaaladda bulshada, iyo horumarinta xuquuqda shaqaalaha caalamka.





Be First to Comment