Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galay Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika

Brazzaville (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb galay fadhiga loo dhan yahay ee Wasiirrada Maaliyadda Qaaradda Afrika, kulan ayaa qeyb ka ahaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika(AfDB) oo sanadkan lagu qabanayo Magaalada Brazzaville ee Dalka Congo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha muhiimka u ah Bangiga, waxqabadkiisa maaliyadeed, qorshayaasha maalgashi ee mustaqbalka iyo dib-u-buuxinta Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF-17), iyadoo dowlad kasta ay soo bandhigaysay qorshaheeda maalgelineed ee mudnaanta u leh.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulanka ka jeediyay khudbad kooban oo uu ku muujiyay horumarka maaliyadeed ee ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-habeynta dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, iyo xoojinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada maalgelinta horumarineed ee Soomaaliya si loo dardargeliyo mashaariicda mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo kobcinta fursadaha dhaqaale.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r