Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS mudane Ayuub Ismaaciil ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda International Organization for Migration (IOM) ee Soomaaliya, kaas oo lagu xoojiyay iskaashiga ku aaddan mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dejinta barakacayaasha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta wada-shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta adkeysiga bulshada, iyo dib-u-dejinta dadka gudaha ku barakacay.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay dhulal loogu talagalay dib-u-dejinta barakacayaasha, kuwaas oo leh adeegyo aasaasi ah oo dhamaystiran. Waxa uu sidoo kale xusay qorshayaal lagu dhisayo xarumo lagu barto farsamooyinka gacanta si bulshada loogu abuuro fursado shaqo iyo nolol-maalmeed waara.




Be First to Comment