Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo ka qeyb galay kulan laba geesood ah oo dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safiirrada dalalka Midowga Yurub ee taageera Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, dhammaystirka dastuurka dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee ka socda dalka, horumarka dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta dowladnimada.
Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka ku faahfaahiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhameystirka dastuurka, dimuqraadiyeynta, dib-u-habeynta garsoorka iyo xoojinta dowladnimada ku dhisan nidaamka sharciga.
Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha garsoorka iyo hirgelinta hannaan dimuqraadi ah oo shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan.
Ugu dambeyn, Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa bogaadiyay taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta hay’adaha garsoorka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.



Be First to Comment