Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Mina-Saudi Arabia-(SONNA)-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay Mina, halkaas oo ay ku gudan qaybo ka mida acmaashooda Xajka.

Teendhooyinka oo si casri ah loo diyaariyay kana duwan kuwii horeayuu Wasiirku ku  bogaadiyay shirkaddii dhistay iyo Xafiiska Arrimaha Xajka Xoomaaliya.

Yuusuf Xasan oo ah Afhayeenka Wasaaradda ayaa sheegay in Wasiirku uu kormeer ku tahay degaanka Mina, isagoo u  kuurgalay goobaha ay Xujeydu seexan lahaayeen, goobaha caafimaadka, qaybaha weysada, suuliyada iyo hubinta habsami u socodka howlaha fududeynta adeegyada ay u baahan yihiin Xujeyda.

Xujeyda Sanadkan gudanaysa acmaashooda kheyriga ah ayaa gaaraysa 11,6015, iyadoo ay Wasaaradda Awqaaftuna diyaarisay adeegyo tayo leh, iyagoo madaxda Soomaaliyeedna ay joogtayn doonaan kormeerkooda si ay ugu jawaabaan baahiyaha soo wajaha Xujeyda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r