Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Arrimaha Socdaalka iyo Jaaliyadaha Masaarida ee Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar Dr. Badr Abdelatty, intii uu socday Shirka Wasiirrada Afrika iyo Kuuriya ee ka socda magaalada Seoul.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada shaqeynta dhinacyada ay labada dal danaha wadaagga ah ka leeyihiin.

Wasiir Cabdisalaan ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo hay’adaha qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r