Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Col. Cismaan Dhoobad Suugoole, isagoo ka gudoomay Warqadaha Aqoonsiga Diblomaasiyadeed.

Kadib Markii uu Wasiirka Ka Gudoomay Danjiraha Warqadaha Aqoonsiga ayaa waxa ay yeesheen Kulan looga hadlay xiriirka walaaltinimo ee Xooggan kaas oo ka  dhexeey Dowladdaha  Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, xasilloonida gobolka, iyo danaha wadajirka ah ee Geeska Afrika.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r