Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Muqdisho(SONNA);- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la qaatay agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda si dib loogu eego howlaha shaqo ee Wasaaradda loogana wada hadlo mudnaanta diblomaasiyadeed ee muhiimka ah.

Wasiirka ayaa agaasimayaasha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, isagoo sidoo kale bixiyay tilmaamo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gudaha Wasaaradda iyo hirgelinta himilooyinka siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta shaqada Wasaaradda, korna loogu qaadayo isku-duwidda howlaha, isla markaana lagu dardargelinayo fulinta ajendayaasha diblomaasiyadeed ee dalka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r