Press "Enter" to skip to content

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah kaga qeyb gashay Lesotho

Muqdisho,(SONNA):- Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ay Hoggaamineyso Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS, Maryan Cali Abuukar ayaa ka qayb galay Kalfadhigii 47-aad ee Guddiga Khubarada Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, kaas oo ka qabsoomay Dalka Lesotho.

Kulanka ayaa inta uu socday diiradda lagu saaray muhiimadda xaquuqda carruurta Afrika iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Wasiir Maryan oo Khudnad ka jeedisay kulanka ayaa muujisay muhiimadda ansixinta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta iyo doorkiisa ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Wasiir Maryan Abuukar ayaa intii uu socday shirka waxaa ay kulamo gaar gaar ah la-yeelatay qaar kamid ah masuuliyiintii ka soo qeybgalay, waxayna kala hadashay in wadashaqeyn rasmi ah la-layeesho Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r