Press "Enter" to skip to content

Wasiir Fiqi oo kormeer ku tagay xarunta shirkadda ASFAT ee Turkiga

Istanbul (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday xarunta bandhigga ee shirkadda ASFAT, intii lagu guda jiray Bandhigga Warshadaha Difaaca ee SAHA EXPO.

Intii ay booqashadu socotay, wafdiga waxaa warbixin laga siiyay adeegyada, wax-soo-saarka iyo xalalka ay ASFAT ka bixiso dhinaca warshadaha difaaca. Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashi ee suuragalka ah, gaar ahaan dhinacyada horumarinta awoodaha difaaca iyo taageerada farsamo.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r