Muqdisho 22 Abriil 2026:— Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta ayaa ka warbixiyay guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhanka xoreynta dalka, sugidda amniga iyo xoojinta dedaaallada Xasillinta.
Wasiir Wasiir Fiqi ayaa ku dheeraaday howlgallada dalka looga xoreeyey Khawaarijta iyo dedaallada xigay ee Xasillinta oo ay ugu dambeeyeen Sabiid iyo Caanoole, isagoo adkeeyey in guulaha la gaaray la sii adkeyn doono.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS uga mahadceliyey hoggaaminta iyo isku-duwidda howlaha Xasilinta iyo isku-keennidda daneeyeyaasha kala duwan.





Be First to Comment