Press "Enter" to skip to content

Wasiir dowlaha arrimaha dibadda oo qaabilay wafdi ka socda Hawlgalka UNTMIS

Muqdisho (SONNA): Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Hawlgalka Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa Hawlgalka, Mudane Raisedon Zenenga.

Wasiiru-dowlaha ayaa wafdiga u sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta hay’adaha dowladda, si loo dardargeliyo horumarka, nabadda iyo xasilloonida dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale muujiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta joogtada ah, si loo hubiyo in taageerada caalamiga ah ay la jaanqaaddo mudnaanta qaran ee Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geysato xasillooni iyo horumar waara.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r