Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda Beeraha oo ka digtay fataahaado waxyeelo geysan kara

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS ayaa ka digtay fatahaaddo keeni kara qasaare gaara dalagyada iyo dadkaba, iyadoo la tix raacayo astaamaha saadaasha hawada mudada dhow.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS ayaa farriin digniin ah u jeediyay Beeraleyda ku nool meelaha u dhow Wabiga Shabeelle iyo goobaha kale ee leh taariikh saamaynta fatahaadaha.

“Cabsi weyn ayaa jirta in fatahaado ay dhici donaanaan marka la fiiriyo saadaasha hawada, anaku karaankeena waxaan u diyaar garoobaynaa dadka fatahaaddu saameyn karto inaan caawino” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa ugu baaqay wasaaradaha Beeraha dowlad goboleedyada dalka inay taxadar iyo feejignaan sameeyaan, si loo badbaadiyo dalagyada la tacbay iyo nolosha dadka u nugul fatahaadaha.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r