Press "Enter" to skip to content

Wararkii ugu dambeeyay codeynta Doorahsada K/Galbeed

Muqdisho,(SONNA):- Inta badan goobihii codeynta degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa soo geba geboobay, ayadoo ay bilaabatay tirinta cododka, wallow ay goobaha qaarkood weli dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jiraan Codeynta.

Tirinta codadku waxa ay u socotaa si daah furan ayadoo goob walba ay ku sugan yihiin wakiillo ka socda Ururrada doorashan qof iyo Codka ah ku turtamayaan ayadoo warqad walba la tusayo wakiillada marka sanduuqa laga soo bixiyo si ay u ogaaday codkaas cida ku guuleysatay.

Tirinta waxa ay socon doontaa ilaa berrito gelinka dambe waxaana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo 24 saac kadib xiliga doorashada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r