Press "Enter" to skip to content

Wafdi ka socda Talyaaniga oo booqday xarunta dhexe ee xoogga dalka

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jenaraal Sahal Cabdulahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa Xarunta Taliska Xoogga ku soo dhaweeyay wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo uu wehlinayo Military Attaché-ga Dowladda Talyaaniga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa CXDS iyo Ciidanka Dowladda Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada taageerada, tababarrada iyo horumarinta ciidamada.

Ugu dambeyn wafdiga Ka socday Dowladda Talyaaniga ayaa dhankooda uga mahadceliyay Taliska CXDS soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo sameeyay, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r