Muqdisho,(SONNA):- Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Waaxda Md: C/salaan Daahir Magan ayaa fulisay howlgallo samatabixin, badbaadin iyo furidda waddooyinka kaddib roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho.
Roobabka ayaa hakad geliyay isu socodka shacabka, taas oo keentay in si degdeg ah loo bilaabo gurmad ballaaran.
Agaasimaha ayaa bulshada ugu baaqay feejignaan dheeraad ah iyo la shaqeynta hay’adaha gurmadka, isla markaana lagu wargeliyay inay xaaladaha degdegga ah kala xiriiraan 991.




Be First to Comment