Press "Enter" to skip to content

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda  oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka 

Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Tom Fletcher Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka bani’aadannimo.

Soo dhoweyntan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle. Wafdigan ayaa ka qeyb galaya wadahadallo ku saabsan baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka jira, hormarinta gargaarka iyo maalgelinta.

Mudane Tom Fletcher booqashadiisa Soomaaliya waxay socon doontaa ilaa iyo 27-ka Abriil ilaa 1-da May, waxaana lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Baydhabo, isaga oo u kuurgalaya xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira halkaas.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r