Press "Enter" to skip to content

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Baydhabo-(SONNA)-Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku sidkanaa ee  lagu qabtay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan degaannada Koofur Galbeed.

”  Konfur Galbeed waxaa ka dhacday doorasho Xor iyo Xalaal ah, waxaana ku Mahadsan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Dowladiisa”.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay sida ay ciidamada kala duwan ee Qaranka u sugeen amniga goobaha codbixinta, howsha baaxadda leh ee ay qabteen guddiiga doorashooyinka iyo sida ay shacabka ugu bisilyihiin in ay gacantooda ku ciil baxaan kuna doortaan cidda ay rabaan.

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin natiijada kasoo baxda Guddiiga doorashooyinka Qaranka maaddaama ay sanaadiiqda cod bixintu u korjoogteynayeen wakiillo ka socda Ururkooda.

Mudane, Cabduwali Cusmaan ayaa madaxda Qaran ee uu u horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh ku bogaadiyayhirgelinta doorashooyinka Cod iyo Qofka ah, isagoo dhanka kalana hoggaamiyeyaasha mucaaradka ugu baaqay in ay xisbiyo furtaan oo ay aaminaan horumarka ka socda dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r