Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo booqday fariisimaha CXD ay ku leeyihiin magaalada Waajid ee gobolka Bakool

Bakool(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa degmada Waajid ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, kuwaas oo warbixin ka siiyay xaaladda amni iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Ujeedka safarka Taliyaha ayaa ahaa dardargelinta howlgalada ka dhanka ah argagixisada iyo dhiirrigelinta geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan dagaalada dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka ee degmada Waajid, isagoo sidoo kale noqday taliyihii ugu horreeyay ee kormeer shaqo ku taga magaaladaas.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r