Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidanka oo ku biiraya howl-gallada ka dhanka ah argagixisada

Muqdisho(SONNA);-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidanka oo ku biiraya howl-gallada dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Taliyaha oo la hadlayay ciidamada ayaa ugu horreyn ku booriyay inay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Alle, isla markaana ku dadaalaan cibaadada. Sidoo kale, wuxuu faray inay ka soo hooyaan guulo waaweyn dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Waxa uu sidoo kale ciidankan oo ay u dhammaystiran yihiin waajibaadkooda ciidanimo, kula dardaarmay maadaama ay u taagan yihiin ilaalinta shacabka, inay dhowraan badbaadada dadka rayidka ah isla markaana caawiyaan kuwa nugul.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qaybo badan oo kamid ah dalka ka wada howl-gallo ballaaran oo lagu ciribtirayo argagixisada lagana saarayo deegaannada ay weli kaga sugan yihiin dalka.

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r