Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Guddiga  Maxamed Haaruun , Agaasimaha guud ee Guddiga Mustafe Axmed iyo komishineerada Guddiga .

Kullan gaar ah oo labada dhinac dhexmaray ayaa looga hadlay wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Boliiska iyo Guddiga ,gaar ahaan dhinacyada ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla-xisaabtanka, qabashada cabashooyinka, kormeeridda xaaladaha xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo, si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta iyadoo la dhowrayo xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r