Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo Baydhabo kulan kula yeeshay hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan looga hadlayo Adkeynta & xaqiijinta Amniga Magaalada Baydhabo la yeeshay Hogaamiyaha Kumeel gaarka ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji.
Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay Dardargalinta Howlgalada ka dhan ah nabadiidka iyo adkeynta Amniga Magaalada Baydhabo.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa degaanada Koonfurgalbeed ka wada sidii loo dardargalin lahaa howlgal ka dhan ah maleyshiyaadka nafla caariga ah ee Nabadiidka.
Geesiyaasha CXDS ayaa mudooyinkii u dambeyay waxa ay howlgal lagu baacsanayo Nabadiidka ka wada degaanada Koon furgalbeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r