Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya oo cambaareysay tallaabada maamulka Woqooyi Galbeed ugu xadgubay qadyadda magaalada Qudus

Muqdisho (SONNA): Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka, iyadoo si cad u diiddan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa sharcinimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, kana hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada ay soo saareen hay’adaha heer gobol iyo kuwa caalami ah.

Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabada maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku sheegay inuu ka furayo waxa loogu yeeray “safaarad” magaalada Qudus.

Dowladdu waxay caddeyneysaa in tallaabadan aysan lahayn wax sharciyad ah ama saameyn sharciyeed toona, isla markaana ay tahay fal daandaansi ah oo aan la aqbali karin, kaas oo meel ka dhac ku ah dareenka iyo mowqifka dalalka Carabta iyo caalamka Islaamka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r