Safiirka dawlada Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Mohamed Amin Sheikh Osman ayaa Maanta kulan mira dhal ah la qaatay xoghayaha Guud ee ururka raabidada Caalamka islaamka isla markaana ah Gudomiyaha Hay,ada Culumada muslimiinta Dr. Mohamed Al ciisa, kulankaas oo ka qabskomay xafiiska Xoghayah Guud ee Magaalada Riyad.
Kulanka ayaa looga wada hadlay Arimaha iskaashiga labada dhinac iyo sida loo sii hormarin lahaa.
Sida oo kale Safiir Mohamed Amin ayaa xogahayaha Guud uga mahadceliyay sida mar waliba ay u garab taaganyihiin Somalia, oo ay ugu dambeysay bayaankii lagu diiday xadgudubka Israil ee Madaxbanaanida iyo Midnimada dalka Somaia.

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga
More from WararkaMore posts in Wararka »
- Taliye Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray Baydhabo
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga
- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
- Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
- Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa


Be First to Comment