Press "Enter" to skip to content

RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre  ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada.

Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa loo magaacabay Jamaal Maxamed Xasan, iyadoo xilkaas laga qaaday Maxamuud Axmed Aadan ( Geesood), sidoo kale, Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa looga magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guryeynta XFS, waxaanna xilkaas laga qaaday Cilmi Maxamuud Nuur.

Afhayeenka Xukuumadda Abdinasir Ahmed Bashir ayaa warbaahinta u akhriyay wareegtada Ra’iisul Wasaaraha, wasiirrada cusub ayaa la faray in ay si deg deg ah xilka ula wareegeen si ay u gutaan waajibaadka qaranka ee loo igmaday.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r