Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u hambalyeeyay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, kaasi oo maanta loo doortay in uu hoggaamiyo dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in doorashada cusub ee ka qabsoontay Baydhabo ay ka tarjumayso horumarka laga gaaray hannaanka doorashada dalka iyo siyaasadda qaran ee doorashooyinka, isaga oo bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada KGS, ee sida hufan u gutay waajibkooda

“Waxa aan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee loo doortay dowlad-gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, waxaanan u rajaynayaa in xilka Eebbe u fududeeyo ”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Allah uga baryey Hoggaamiyaha cusub in uu ku asturo masuuliyadda Qaran ee loo doortay iyo xilka Madaxtinimo ee loo dhaariyey isaga oo u rajeeyay in uu si hufan u guto howlaha horyaalla.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r