Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay qaar kamid ah isimada Puntland

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha XJFS mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah isimada Puntland oo booqasho ku joogay caasimadda dalka si ay u xoojiyaan isku xirka bulshada iyo dowladoodda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si diiran oo maamuus sare leh usoo dhoweeyay isimadda oo kala ahaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, iyo marti kale.

Kulanka oo goobjoog ka ahaayeen xubno labada gole ayaa waxaa looga hadlay baahiyaha deegaanka iyo xoojinta wada shaqeynta shacabka iyo dowladdooda si loo gaaro xasilooni iyo horumar.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer la’isaga xog-waraystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada ay ka yimaadeen isimadu, iyo dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa yiri “Waxaan uga mahadceliyey isimada doorka muuqda ee ay ka qaateen dhismaha dowladnimada Soomaaliya, xallinta khilaafaadka beelaha, iyo mideynta bulshada, waxaan ku dhiirrigeliyey in ay sii laba jibbaaraan kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan adkaynta midnimada, nabadda, iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r