Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Muqdisho(SONNA): — Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta TUBSAN.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada ka hortagga fikradaha xagjirka ah iyo dardargelinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, si looga hortago marin-habaabinta kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay guulo la taaban karo ka gaartay amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isaga oo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta barnaamijyada wacyigelinta.

“Dowladdu waxa ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo dhismaha jiil ka madaxbannaan fikirrada xagjirka ah,” ayuu yiri Mudane Saalax.

Madasha waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday beesha caalamka iyo hay’adaha daneeya arrimaha ka hortagga xagjirnimada, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada dowladda.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r