Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay wafdi ka socda UN Women

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda UN Women, oo ay hoggaaminaysay Marwo Anna Mutavati, Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee UN Women.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo UN Women, gaar ahaan horumarinta doorka haweenka ee hoggaaminta, ka qeybgalka siyaasadda, iyo kobcinta barnaamijyada taageera xuquuqda haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey UN Women dadaallada ay ku taageerayaan haweenka Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii laba jibbaaro taageerada la xiriirta horumarinta haweenka, si ay door muuqda uga qaataan dhismaha dowladnimo iyo nabadda dalka.

Dhankeeda, Marwo Anna Mutavati, ayaa bogaadisey horumarka ay dowladdu ka sameyneyso arrimaha haweenka, waxayna ballan-qaadeen in ay sii xoojinayaan wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Isku-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Marwo Aminakeyf Ahmed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r