Kampala-(SONNA)-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Suudaan, Mudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa kulan ku yeeshay magaalada Kampala ee dalka Yugaandha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee labada dal iyo shucuubtooda..
Mudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya garab istaagga iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee ay la garab taagan tahay walaalahood reer Suudaan, xilli dalkooda uu wajahayo xaalad adag.
Dhankiisa, Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa tilmaamay in Suudaan ay tahay dal walaal ah oo abaal weyn ku leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qoto dheer.

o
More from WararkaMore posts in Wararka »
- Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS
- Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir
- Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo
- Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi
- Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani


Be First to Comment