Baydhabo (SONNA): Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Xuseen Nuunow Cali, ayaa maanta shahaadooyinka musharraxnimo guddoonsiiyay musharraxiinta u tartamaya Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ku loollamaya Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo ka socda Ururka JSP iyo Cabdixakiin Maxamuud Fiqi oo ka socda Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran (NPU).
Sidoo kale, jagada Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad waxaa ku tartamaya Aadan Xasan Maxamed (JSP) iyo Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Karaama), halka Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ay ku tartamayaan Shamso Maxamed Yarow (JSP) iyo Axlaam Cumar Maxamed (Karaama).
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa loo madlan yahay in la qabto berri oo ku beegan 4-ta Juun 2026.




Be First to Comment