Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Dekadaha

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta dhexe ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalku ay ahmiyad gaar ah siinayso casriyeynta dekadaha dalka, horumarinta iyo ilaalinta arrimaha badda, iyadoo mudnaan la siinayo sugidda amniga badda, dhowrista kheyraadka dabiiciga ah iyo ilaalinta bay’adda badda si jiilasha mustaqbalka loogu ilaaliyo kheyraadka ceegaaga Badda soomaaliyeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in badda Soomaaliyeed laga dhigo laf-dhabarta koboca dhaqaale ee dalka, iyada oo xoogga la saarayo Sugidda amniga badda Soomaaliyeed, Ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, Dhowrista bay’adda badda iyo ka hortagga xaalufinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee dhismaha cusub Wasaaradda oo laf-dhabar u ah koboca dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga badda iyo xoojinta isku xirka Soomaaliya iyo suuqyada caalamka, isaga oo ku bogaadiyey shaqaalaha Wasaaradda dadaalka ay ugu jiraan horumarinta adeegyada muhiimka u ah dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r