Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda

Kampala (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Kampala kaga qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Madaxweyne Museveni ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa, isaga oo u rajeeyay shacabka iyo dowladda Uganda horumar, xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga difaaca iyo amniga, iyo danaha istiraatiijiga ah ee labada dal.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r