Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo casho sharaf ku maamuusay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isaga yimid guud ahaan dhulka soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo odayaasha dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda togan ee nabadeynta, dib u heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed ayaa la wadaagay guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuquraadiyeynta, dowlad-dhiska iyo daadejinta maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in aan marnaba laga tanaasuli karin in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo awoodda doorashada hoggaamiyeyaashooda siyaasadda, isaga oo ku booriyay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan hirgelinta doorashooyinka loo dhanyahay ee Qof iyo Cod, si loo xaqiijiyo matalaad dhab ah iyo hannaan dimuqraadi ah oo hufan.

“Waxaan ku adagnahay oo aan marnaba laga tanaasulikarin in dadka soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ee doorashada hoggaamiyaha ay doonayaan 57 sano kaddib. Doorashooyinkii aan loo dhammeyn ee dalka kasoo dhacay waxaan ka dhaxalnay dhibaatooyin badan oo amni-darro ugu horreysay”.

Dhankooda, qaar ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey casuumaadda iyo maamuuska uu siiyey ayaa ku bogaadiyay guulaha muuqda ee laga gaaray amniga, dagaalka Khawaarijta, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, dimuquraadiyeynta iyo daadajinta maamulka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r