Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Cali guudlaawe oo u hambalyeeyay hoggaamiyaha cusub ee koofur galbeed

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa farriin hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Dowlad-goballeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Guul taariikhi ah ayay u ahayd xildhibaanada iyo guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo markii hore kusoo baxay doorasho qof iyo cod ah.

“Allaha kula garabgalo masuuliyadda cusub Sheekh Aadan Maxamed Nuur, waana rajeynayaa inaad ku hagto shacabka Koonfur Galbeed waayo-aragnimadaada Dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Ugu dambeyn ,Madaxweynaha ayaa ku boogaadiyey shacabka Dowlad-Goballeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaalinta ay ka qaateen hannaanka Dowladnimo.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r