Press "Enter" to skip to content

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay wafdi kormeer ah

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey wafdi kormeer ah oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wafdigan oo uu hoggaaminayey Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim, ayaa u yimid qiimeyn iyo kormeer la xiriira shaqooyinka Wasaaradda.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Cabdifataax Cabdiiqaadir Faarax, waxaana diiradda lagu saaray bandhigga waxqabadka Wasaaradda ee rubuca koowaad ee sanadka.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah looga falanqeeyey heerka hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda, dardargelinta howlaha socda, iyo xoojinta ajendeyaasha muhiimka ah ee ku jira Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r