Muqdisho-(SONNA)-Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada Degdegga Caafimaadka Dadweynaha (PHEOC), ee Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH) Soomaaliya, Kulankaan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka Ebola/Bundibugyo Virus, iyadoo la eegayo xaaladda halista ah ee ka jirta gobolka, gaar ahaan dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (Democratic Republic of the Congo) iyo Uganda.
Kulanka ayuu sidookale ku wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Mohamed Hassan Bulaale, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, wakiillo ka socday isbitaallada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Ururka Isbitaallada Gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo ururo caalami ah oo ay ka mid yihiin Africa Field Epidemiology Network (AFENET), Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM).
Muhiimada kulanka ayaa ahayd mid diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda halista ah ee gobolka iyo heerka diyaar garowga ee Dalkeena, iyadoo si gaar ah loo xoojiyay iskuduwidda qaran, la socodka cudurrada iyo awoodda jawaab celinta degdeg ah ee dhammaan heerarka nidaamka caafimaadka, dhanka kale kulanka ayaa si qoto dheer looga dooday xoojinta nidaamka la socodka digniinta hore, diyaar garowga iyo kormeerka marinada iyo xuduudha dalka, tayeynta shaybaarada, habka dirista warbixnada, sidookale xoojinta ka hortagga iyo xakamaynta caabuqa (IPC), oo ay ku jirto hubinta isticmaalka saxda ah ee qalabka ilaalinta shaqsiga (PPE).
kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay booqashada goobaha shaqo ee howl-wadeenada Xarunta Qaran, ayadoona la isku raacay qorshe degdeg ah oo saddex maalmood gudahood ah iyo qorshe diyaar garow oo toddoba maalmood ah, si loo dardargeliyo fulinta dhammaan tiirarka farsamo ee diyaar garowga, loona xaqiijiyo isku-duwid iyo kormeer joogto ee wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo u diyaargarowga heeraraka kala duwan ee caafimaadka dalka.
Ku simaha Wasiirka ahna Wasir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Mohamed, ayaa ugu horayn, bogaadisay dadaalka ay wadaan dhammaan dhinacyada ka qayb qaatay kulanka, gaar ahaan howl-wadeenada Caafimaadka ee safka hore iyo sida ay lafdhabar ugu yihiin nidaamka caafimaadka Dalka.
Sidookale, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa xustay muhiimadda ay leedahay isku duwidda qaran iyo ka jawaabidda degdega ah ee xaaladaha caafimaadka ee degdegga ah, waxayna carrabka ku adkeesay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in ay xoojiso dhammaan tiirarka diyaar garowga iyo ka hortagga cudurrada faafa.



Be First to Comment