Press "Enter" to skip to content

Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka howlaha amniga, si loo xaqiijiyo jawi deggan oo ammaan ah inta lagu guda jiro diyaar-garowga iyo qabsoomidda doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay adkeynta amniga goobaha doorashada iyo sugidda nabadgelyada dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodka doorashada.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa xusay inuu sii laba-jibbaarayo dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashadu ku qabsoonto si xor ah, hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan shuruucda, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka.

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r