Press "Enter" to skip to content

Jadwalka imtixaanka  fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Muqdisho(SONNA);-Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, kaas oo ay u fariisan doonaan kumannaan arday oo wax ka barta dugsiyada kala duwan ee gobolka.

Maamulka waxbarashada ayaa sheegay in dhammaan diyaar-garowgii lagama maarmaanka ahaa la dhammaystiray, iyadoo la xoojiyay habraacyada lagu sugayo hufnaanta, cadaaladda iyo tayada imtixaanaadka.

Sidoo kale, waxaa la faray maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta iyo waalidiinta inay ka qeyb qaataan dhiirrigelinta ardayda si ay ugu diyaar garoobaan imtixaannada si wanaagsan.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r