Press "Enter" to skip to content

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Biljimka oo qabatay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan doorashooyinka

Muqdisho(SONNA):-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Biljimka, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha jaaliyadda Mudane Middane Farxaan Omar iyo ku xigeenkiisa Hussein Hasan Hussein, ayaa qabatay kulan muhiim ah oo lagu wacyigelinayay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee ku taalla Biljimka ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada Soomaaliyeed loo bari lahaa habka saxda ah ee codbixinta iyo muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka doorashooyinka.
Mas’uuliyiinta jaaliyadda ayaa bulshada ku boorriyay inay si firfircoon uga qeyb qaataan doorashooyinka, si ay codkooda uga dhiibtaan arrimaha siyaasadda iyo horumarka bulshada. Waxay sidoo kale sheegeen in barnaamijkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo doorka iyo matalaadda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Biljimka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed, kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka qeybqaadashada howlaha bulshada iyo horumarinta wacyiga codbixinta.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r