Press "Enter" to skip to content

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

Baydhabo – 29 Abriil 2026: Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Mudane Tom Fletcher, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, wax ka qabashada saameynta abaaraha, iyo taageerada dadka barakacay ee ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.
Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Jibriil uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay baahida loo qabo in la kordhiyo gurmadka degdegga ah iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara xaaladaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.
Tom Fletcher ayaa adkeeyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan xaaladaha nugul.
Waxa uu tilmaamay in booqashadiisu ay qayb ka tahay qiimeyn lagu sameynayo baahiyaha dhabta ah ee ka jira goobaha ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha, iyada oo kulankan hogaamiye jibriil ay kala qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r