Press "Enter" to skip to content

Hambalyadda maalinta Shaqaalaha Aduunka ee Wasaaradda arrimaha dbadda

Muqdisho (SONNA): Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan shaqaalaheeda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala daafaha caalamka, iyadoo qaddarinaysa dadaalkooda iyo adeegga muhiimka ah ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay si gaar ah u xusaysaa kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin matalaadda dalka ee goleyaasha iyo ururrada caalamiga ah sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Bulshada Bariga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD, Midowga Afrika, iyo dhammaan fagaarayaasha kale ee caalamiga ah ee Qaranka Soomaaliyeed lagu metelo, taas oo muujinaysa xirfada aqooneyd, daacadnimo iyo joogitaan caalami ah oo sii kobcaya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Madaxda Wasaaradda oo wada jira waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan mas’uuliyiinta Wasaaradda, diblomaasiyiinta, iyo dhamaan shaqaalaha dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku dhiirrigelinaya inay sii wadaan adeeggooda iyo kaalintooda ku aaddan horumarka Dalka iyo Danaha Qaranka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r