Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay, George Conway, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada marxaladda dhismaha Guddiga.

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta, dhisidda awoodda Guddiga, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan taageerada la xiriirta hannaanada maamulka, la socodka xuquuqda aadanaha, maaraynta cabashooyinka, iyo wacyigelinta bulshada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r