Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose iyo Guddiga Iskaashatooyinka oo kulmay

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kulan la qaatay iskaashatooyinka ka howlgala gobolkaas, waxaanna kulanka looga hadlay xaaladda Iskaashatooyinka iyo daruufaha kala duwan ay wajahayaan.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Iskaashatooyinka Koonfur Galbeed (RIKA) iyo wakiillo ka socday iskaashatooyinka gaadiidka, beeraha, kalluumeysiga iyo kaawada ayaa si weyn loogu falanqeeyay Xaaladda Iskaashatooyinka ku shaqeeyaan iyo in wada shaqeyn dhow dhexmarto mamaulka gobolka iyo guddiga Iskaashatooyinka.

Iskaashatooyinka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay kulanka iyo sida uu uga jawaabay cabasho ay hore ugu soo gudbiyeen.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r