Press "Enter" to skip to content

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka diray qalabkii loogu talagalay qabashada doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhici doona deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in 10-ka bishan ay ka bilaaban doonto doorashada goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada  13 degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed.

“Waxaan maanta magaalada Muqdisho ka sagootinay qalabkii loogu talagalay 13 degmo oo lagu qabanayo doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed.”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Sidoo kale, Guddoomiyha Guddiga Doorashooyinka ayaa tilmaamay in ku dhawaad 400,000 (afar boqol oo kun) oo qof ay iska diiwaangeliyeen deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay diyaar u yihiin inay codkooda ku doortaan hoggaankooda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r